Majalladda ADF, oo uu soo saaro taliska AFRICOM, ayaa sheegtay in DF Soomaaliya ay isku mar wajahayso caqabado amni iyo siyaasadeed oo isbiirsaday, oo ay ka mid yihiin bixitaanka ciidamada shisheeye, khatarta joogtada ah ee kooxda Al-Shabaab.
Dowladda Maraykanka ayaa iyaduna ku dhawaaqday in dhammaadka sannadkan lagu jiro ee 2026 ay joojinayso dhaqaalihii ay ku bixin jirtay Xafiiska UNSOS ee Qaramaa Midoobey u qaabilsan taageerada ciidamada Midowga Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Xafiiskan ayaa waxyaabaha uu qaabilsanaa waxaa ka mid ah maal-gelinta cuntada, biyaha, shidaalka, gaadiidka, daadgureynta caafimaadka, isgaarsiinta, adeegyada injineernimada, dayactirka iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah hawlgallada milatari ee AUSSOM.
Bishii Agoosto, hay'addu waxay sheegtay inay bil kasta ku daabusho ku dhowaad 240 tan oo cunto ah qaybaha kala duwan ee howlgalka iyo saldhigyada ciidamada. Waxaana la isweydiinayaa, sida sahayda noocaas ah loo gaarsiin doono ciidamada marka la gaaro bisha Janaayo.
"Askari ku sugan saldhig ka fog magaalooyinka waaweyn wuxuu si toos ah u dareemaa muhiimadda taageerada caalamiga ah, marka loo eego inuu helo shidaal, cunto, gaadiid shaqaynaya, gurmad caafimaad iyo rasaas uu u baahan yahay…” Ayuu yiri falanqeeye Cabdi Guuleed.
Maxamed Daa’uud Ismaaciil, oo ah kaaliye sare oo cilmi-baaris, kana tirsan mashruuca Xogta Goobaha iyo Dhacdooyinka Colaadaha Hubeysan ee ACLED, ayaa aaminsan in taageeradaasi marka ay soo af-go’do ay ciidamada AUSSOM sii daciifi doonaan.
"Haddii aan si degdeg ah loo helin ilo kale oo maalgelin caalami ah, AUSSOM waxay wajahaysaa burbur ku yimaadda awooddeeda hawlgal, iyadoo la galayo sannadka 2027,” ayuu yiri Maxamed Daa’uud, isagoo intaa ku daray in ciidanka dowladdu ay wajahayaan culays amni oo aad u xooggan.
Waxa uu ka digay in hoos u dhac degdeg ah oo ku yimaadda joogitaanka ciidamada Midowga Afrika uu sababi karo firaaq amni oo saameyn ku yeesha bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Maxamed Daa’uud waxa kale oo uu saadaaliyey in Al-Shabaab ay isku dayi doonto inay ka faa'iidaysato gol-daloolooyinka amni ee soo baxa, isla markaana ay qaadi karto weerarro ballaaran inta lagu jiro bilaha ugu dambeeya ee 2026 iyo sannadka 2027.
"Horumarkan ayaa kooxda u suurtagelin kara inay dib ula wareegto goobo ay hore ugu lahayd bartamaha iyo koonfurta dalka, iyadoo sidoo kale si toos ah khatar u gelin karta magaalooyinka waaweyn, oo ay ku jiraan Muqdisho iyo Kismaayo,” ayuu yiri Maxamed Daa’uud.
Iyadoo ciidamada DF Soomaaliya ay sii yaraanayso taageeradii tooska ahayd ee ay ka heli jireen goobaha dagaalka, ayaa sidoo kale dhammaadka bishii Oktoobar waxaa soo afjarmay howlgalkii dhinaca siyaasadda iyo dawlad-dhiska u qaabsilanaa Qaramada Midoobey ee UNTMIS.
Dhimista maalgelinta, dhimista tirada ciidamada shisheeye iyo dhammaadka howlgalka UNTMIS ayaa dhammaantood ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay gebi ahaanteedba u gacan-gasho kooxda Al-Shabaab, oo si weyn u xoojiyey awooddooda.
